Maxaa Keenay In Maanta Uu Fashilmo Kulankii Golaha Shacabka
Waxaa Fashil ku soo dhamaaday Kulankii maanta ay yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya .
Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ayaa ku tilmaamay Fashilka kulanka in uu yimid kadib markii Ajendahii lagu balansanaa ay guddoonka Golaha Shacabka ay ka baxeen.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii maanta xaadiray kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in guddonka golaha shacabka ay isku dayeen in ay muddo kordhin u sameeyaan Madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo .
Mahad Salaad ayaa sheegay in xubna ka mid ah xildhibaanada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal u sheegey in mudda kordhin loo sameynayo Hay’adaha dowladda .
Qoraal uu soo dhigay Mahad Salaad bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Guddoonka uu sheegay in uu fashilmay heshiiskii 17 September .