Turkiga Oo Soo Badbaadiyay Muhaajirin Ku Xayirnaa Xeebaha Izmir
Ugu yaraan 71 Muhaajiriin ah laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Turkiga sida ay sheegayaan warbaahinta dalkasi .
Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa waxay u direen kooxo si ay u soo badbaadiyaan 28 Muhaajiriin ah oo ku xayiran degmada Cesme ee gobolka Izmir ee Turkiga, Mana jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maadama saxaafadda loo diiday in ay booqdaan Muhajiriinta .
Xeebta degmada Dikili ee isla Gobalka Izmir ayaa sidoo kale laga soo bad baadiyay 24 Muhaajiriin ah oo muddo ku xayirnaa Xeebtaas, ka dib markii Doonya ay wateen ay ka qaadeen Ilaalada Xeebaha Gobalka Izmir ee Turkiga .
Dadka la soo bad baadiyaya ayaa waxaa ay isugu jiraan haween iyo caruur iyo dad dhalinyaro ah , iyadoo loo gudbiyay Waaxda socdalka Izmir .
Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa magangalyo-doonka doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u bilaabaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka cararaya dagaallada iyo cadaadiska ka socda wadamada La daala dhacaya dhibaatooyinka Xagga Nolosha .