Afisyooni : Shika Doorashooyinka Oo Furmay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw xerada Tababarka Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisiyooni ka furmay shirka wadatashiga dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka .
Shirka ayaa waxaa soo xaadiray dhamaan Madaxda Dowlad gobaleedyada dalka , Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo Maamulka Gobalka Banaadir .
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo horay u diiday ka qeyb galka shirar Villa Soomaaliya ay ku baaqday ayaa maanta soo xaadiray Shirka oo ay qaban qaabadiisa leedahay Beesha Caalamka .
Shirkan ayaa looga hadlaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka Arrimaha Doorashooyinka dalka .