Dagaal Sababay Dhimashada Abaanduule Ciidan Oo Ka Socda Galmudug
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal U dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-shabaab ku dhex maray deegaano hoostaga gobalka Galgaduud .
Dagaalkan ayaa goordhaw ka qarxay deegaanka Sinadhaqo oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug .
Wararka ay GoobJoog News ka heleyso goobta uu dagaaka ka socda ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro labada dhinac ah .
Illaa iyo hadda majirto cid si rasmi ah u shaacisay dagaalka , kaas oo goordhaw ka bilawday deegaanka Sinadhago .
Wararka ayaana waxa ay intaasi ku sii darayaan in dagaalka uu ku dhintay Abaanduullihii Ururka 71-aad ee qeybta 21-aad ciidamada Xoogga dalka Dhame Sayid Bicir .
Weerarka Alshabaab ayaa waxa uu noqonaya midkii seddaxaad oo maanta dhacay .
Sawirka Abaanduulaha La Dilay