Shirka Afisyooni Oo U Baaqday Sabab Aan La Garaneyn
Sheeko:Arrimaha Amniga
Shirka Afisyooni uga socday madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa u baaqday sababa aan la garaneyn , iyada aaney caddeyn waqtiga uu dib u furmayo .
Warar ay GoobJoog News ay heshay ayaa sheegaya in uu weli uu maqan yahay madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug.
Shirkan maanta oo Talaada ah la filayay in uu dib u furmo , ayaa leysku mari la’yahay Ajendaha, iyada oo dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso in aan la furin Heshiiskii 17 September lagana Amba-qaado Dhuusamareeb 4 ee Arrimaha Guddiga doorashada , Somaliland iyo Gedo .
Dhankooda, dowlad gobaleedyada qaar sida Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanaya in lagu darro Ajendaha Xilka madaxweeynaha ee dhamaaday , Amniga Doorashada .