Warbixin: Sicirka Hubka oo 100% Sare u Kac Sameeyey, Akhriso Noocyadiisa!
Hubka dagaalka ayaa qiimo ahaan kor u kac sameeyey todobaadyadii lasoo dhaafay haba ugu darnaadeen madaafiicda oo 100% kacay, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay jirto hubanti la’aanta xagga waqtiga doorashada ah.
Sida ay ogaatay Goobjoog News, magaalada Muqdisho waxaa uu hubka gaaray qiimihii ugu sareeyey iyada uu kacay 100% sida RPG, oo ah hub gantaal garabka laga rido, oo caan ka ah caasimadda, 7-ka waxaa uu gaaray $3000 halka saddex bil kahor uu ahaa $1500.
Qorayga kale ee Ruushka ee Kalashnikov (AK47), oo January ahaa qiimo ahaan $1400, hadda waxaa uu joogaa $1800.
Dhanka kale, qorayga PKM waxaa uu qiimo ahaan hadda joogaa ilaa $15,000 halka uu January joogay $11,000.
Waxaa kale uu sicirkiisu sare u kacay DShK, hadda waxaa uu suuqyada Muqdisho ka joogaa $22,000 halkii uu saddex bilk a hor ahaa $18,000.
Dad arrintan kala hadlay Goobjoog, oo codsaday in magacyadooda la qariyo ayaa sheegay in sare u kaca qiimaha hubka ay arkeen bilihii ugu dambeeyey, laakin waxaa ay ka gaabsadeen iney sheegaan cidda sidaa wax u iibsaneyso.
“Ma aha wax kusoo boodda ah sare u kaca degdegga ah ee qiimaha hubka, kaas oo kacay 30% iyo 60% bilihii saddexda ahaa ee tagay xilli ay jirto ismariwaaga doorashada, hubka qaar sida RPG waxaa uu kacay 100%” sidaasi waxaa Twetterkiisa ku yiri Xuseen Sheekh Cali oo ah madaxa maxhadka amniga ee Hiraal, waxaa uu sidoo kale lataliye amni u ahaa madaxweyneyaashii Farmaajo iyo Xasan Sheekh.
Hubka waxaa uu magaalada usoo gala siyaabo kala duwan, waxaa jirtay xero ay Imaaraadka ciidanka ku tababarayeen oo la bililiqeystay 2018-kii, Al-shabaab waxaa ay xeryaha ay weeraraan ka qaadaan hub, tiiyo ay wehliso in beelaha aan weli hub ka dhigis lagu sameyn kadib dagaal sokeeye oo 30 sano soo jiray.
Xilligan doorashada, waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ka jirto kala aamin bax kooxaha dhexdooda ah, shirka hadda ka socda Xalane ee Muqdisho waxaa muddo la isku heystay cidda sugeysa amniga iyada oo markii dambe ay AMISOM la wareegtay.
Mucaaradka waxaa ay dowladda federaalka ah ku eedeeyaan iney ciidamada siyaasadeyso isla markaana waxa ay dalbadeen in ajendaha shirka Xalane lagu daro amniga doorashada, oo ay ugu horreyso Gedo oo DF ay ka fara maroojisay Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland.
Warbixintan oo Ingiriis ah: Military grade weapons sales, prices shoot in Mogadishu amid poll uncertainty
Goobjoog News