U bood dhigaalka

Somalia: Amnesty International oo Warbixin Kasoo Saartay Dilalka, Caburinta Saxaafadda iyo Haweenka

Amnesty International ayaa maanta soo saartay warbixin ay uga hadleyso xaaladda Soomaaliya iyada oo ka hadashay Al-shabaab, xorriyadda hadalka, dilalka AMISOM, dhibaatooyinka loo geysto haweenka, barakacayasha iyo saxaafadda Somaliland.

Ugu horreyn waxaa warbixinta ku jirta in inta u dhaxeysay February iyo August ay UN-ka diiwaan geliyeen dilka in ka badan 207 qof halka la dhaawacay 596. Hal weerar oo ka dhacay Elite Hotel waxaa lagu dilay 11 halka lagu dhaawacay 18.

Dhanka Saxaafadda, Cabdiweli Cali Xasan oo ah Joursanlist madaxbannaan ayaa lagu dilay Afooye February, iyada oo  May, Saciid Yuusuf Cali oo  Kalsan TV lagu dilay Muqdisho.

March, Maxamed Cabdiwahab Abuuja oo tifaftire ka ahaa Hiigsi ayaa sharci darro loogu xirau xabsi ay maamusho NISA, marba meel sida loogu xerayey, waxaa maxkamad ciidan la saaray ay dambi ku weysay August.

2 April, Waxaa NISA handadaad Twitter ugu geysatay weriyaha VOA Haaruun Macruuf iyada oo lagu eedeeyey inuu khatar ku yahay qaranka, 23 April,  waxay sheegtay in kiiskiisa loo gudbiyey xeer ilaaliyaha.

Isla April, waxaa ay booliiska xireen Cabdicasis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha Goobjoog iyo agaasime ku xigeen, waxaa loo xiray qoraal uu Facebook dhigay uu uga hadlay maamul xumada xukuumadda ee COVID 19 iyo madaxweynaha oo qaatay ventilator loogu deeqay Isbitaal, xariga kadib 19-kii Julay ayey maxakamadda gobolka Banaadir Gurbiye ku xukuntay 6 bil.

Warbixinta waxaa ku jirtay in 2020-ka ay barakaceen 1.2 million halka dhibaatooyin kufsi iyo dil isugu jira loo geystay habeen badan oo 45 la diiwaan geliyey May iyo August keliya, waxaa kale ku jirtay licences ay Somaliland kala noqotay  Universal TV iyo Star iyo sii deynta weriye Cabdi Maalik Coldoon oo muddo xirnaa.

Goobjoog News