Akhriso : Sababta Ciidamada Gadoodsan ay Ula wareegeen Baro Ku Yaalla Galkacyo
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan kuwaas oo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay la wareegeen inta badan Baraha koontaroolada magaalada .
Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada oo la hadlay warbaahinta GoobJoog News ayaa sheegay in ciidamada ay ka cabanayaan Mushaar la’aan muddo seddax bil ah oo ciidamada hay’say.
Ciidamada ayaana qabsaday baraha koontorolada magaalada iyagoo hakad geliyay isku socodka gaadiidka ee Magaalada Gaalkacayo.
Askartan ayaa ka tirsan Ciidamada daraawiishta Galmudug qeybta Horseed ee magaalada Gaalkacayo , waxa ayna sheegen in aysan maamulka ka helin xuuqdii ay ku lahaayeen .
Illa iyo hadda maamulka magaalada iyo kan Galmudug kama hadlin Cabashada ciidamadaan.