U bood dhigaalka

Muqdisho: Shir u Socda Madasha Badbaado Qaran, Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa jooga

Waxaa hadda shir degdeg ah magaalada Muqdisho uga socdaa madasha badbaado qaran oo ay ku mideysan yihiin musharaxiinta, aqalka sare iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan oo albaabada u xiran yihiin ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed ka dhan ah muddo kordhinta loo saameeyey Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Beesha caalamka ayaan weli ka hadlin arrintan, lamana oga sida ay uga jawaabi doonaan muddo kordhinta.

Halkan, kala soco war murtiyeedka.

Goobjoog News