AFRICOM : Khatarta Amni ee Hadda Jirta Ma Ahan Shabaab ee Waa Mudda Kordhinta
Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa gudddiga senete-ka ee arrimaha amniga warbixin ka siiyay xaaladda Amni ee Soomaaliya ayaa shegay in Soomaaliya ay ka taagan tahay xaalad Hubanti la’aan amni oo ka qatar ururka Al-shabaab.
Taliyaha Africom Stephen Townsend oo Guddiga Senate-ka Arrimaha Ammaanka la hadlay ayaa sheegay indhibaatooyinka iyo Isfaham waaga ka dhex jira madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ay tahay khatarta ugu daran ee hadda Jirta.
“Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, ee waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.
“Muddo krorosiga ka baxsan mudda xileedka dastuuriga ah ee xilka madaxweynaha — ayaa ah caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yiri Jeneraal Townsend.
12-kii bishaan Golaha Shacabka ayaa Laba sano ugu daray Farmaajo taas oo ay ka dhalatay diidmooyin fara badan
Mr Townsend oo mudanayaasha guddiga ay Su’aallo kale ka weydiiyeen xaaladda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankii Madaxweeynihii hore ee Mareykanka Trump ciidamada uga saaray Soomaaliya ay ka dhex abuurtay qal qal iyo in ay Al-shabaab ka faa’ideystaan .
“Lama dafiri karo in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurtay jahwareer iyo khatar hor leh,” ayuu yiri Townsend .
“Waxaan inta badan saaxiibbadeen kala shaqeynaan saldhigyada aan gobolka ku leennahay. Kaddibna waan safarnaa si aan u sameyno tababarro, iyo si aan ula talinno una caawinno saaxiibbadeen. Ilaa afar howlgallo noocaas oo kale ah ayaan sameynay 90-kii maalmood ee la soo dhaafay. Mid ka mid ah hadda wuu socdaa.” ayuu yiri Townsend.