Idriss Déby Oo Maanta La Aasayo
Maanta oo Jimca ah ayaa lagu wada in la Aaso madaxweeynihii mudada dheer xukumayay Chad Idriss Deby oo dhawaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray kadib dagaal kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee uu galay .
Madaxweeynayaal , Ra’iisul wasaarayaal iyo Madax kale ayaa ku sii qul quleysa caasimadda Chad ee N’Djamena
kuwaas oo ka qeyb galaya aaska Debby .
Aaska, ayaa ka dhici doona Maanta Fagaaraha weyn ee La Place de la Nation magaalada N’Djamena, Halkaas oo militeriga dalkaas ay Rasaas u ridi doonan Aaska Madaxweyne Idris
Waxa Debby lagu garab Aasi doona halka uu ku duugan yahay meydka Aabihii , kaas oo ku aasan tuulla lagu magacabo Amdjarass oo u dhaw halka uu ku dhashay ee Berdoba.
Idris Debby ayaa in kabada 30 sano maamulayay dalka Chad , iyadoo markii Lixaad uu ku guuleystay doorashadii Dalkaas ka dhacday Sanandkaan.