Farmaajo Isaga Oo Qasban Ka Laabanaya Muddo Kordhinta
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta hortagaya Golaha shacabka waqtigooda dhamaaday , si isaga oo qasban uga laabto mudda kordhinta uu samaeystay 12 April .
Farriin xalay loo diray xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu yiri : M.ne Xil Beri oo Sabti ah oo ay Tar 1da MAY, waxaa jira Kulan Gaar ah.
Agendaha
1. Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS
Saacadu waa 09:00 subaxnimo”.
Lama hubo khudbadda Farmaajo waxyaabaha uu ku soo qaadan doono laakiin waxaa la hadal haaya in ay u badnaan doonto doorashada .
GoobJoog News