Fanaan Cabdi Qaboojiye Oo Geeriyooday
Sheeko:Arrimaha Amniga
Allaah U naxariisto waxaa goordhaw Magaaladda Oslo Ee Caasimadda dalka Norwey ku geeriyooday Fanaan Cabdi Jamac Qaboojiye.
Fanaanka ayaa waxa uu ka mid ahaa Fanaaniinta sida aadka ah looga yaqaano geyiga Soomaalida.
Cabdi Jaamac Qaboojiye ayaa muddo la xanuunsanaa Cudurka Covid-19.
Sida ay sheegen qaar ka mid ah Ehelada Qaboojiye ayaa la sheegay in xanuunka uu 42 cisho hayay.