Faah-faahino ka Soo Baxayo Weerar Ka Dhacay Gobalka Jubbada Hoose
Wararka naga soo gaarayo deega hoostaga Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolanyo ciidan oo ka tirsan kuwa AMISOM .
Ciidamadan ayaa waxa ay marayeen xilliga ay la kulmeen weerarka wadada isku xirta deeganada Kaambooni iyo buur-gaabo oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose .
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay Saaka xilliga weerarka uu dhacayay ay maqleen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac .
Dhanka kale ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan , iyadoo ciidamada ka tirsan AMISOM ee weerarka lagu qaaday ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda dalka Kenya .
Sikastaba ururka Al-shabaab ayaa inta badan weeraro dhabba gal ah ka fuliya deegaanada gobalka Jubbada Hoose .