U bood dhigaalka

Deni Oo Wakiil Ka Socda Qaramada Midoobay La Kulmay

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xarunta madatooyada Puntland kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland .

Kulanka Deni iyo Guy Griffin Madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland ayaa looga hadlay xaaladda dalka si gaar ah arrimaha doorashooyinka dalka .

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka Guy Griffin iyo Deni sidoo kale qeyb ka ahaa Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.