Soomaaliya iyo Kenya oo Soo Celiyey Xiriirka Diblomaasiyadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay xiriirka diblomaansiyadeed ee kala dhaxeyaya dowladda Kenya .
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalada oo shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeeyay Kenya .
Al-cadaala ayaa sidoo kale sheegay in soo celinta xiriirka labada dal ay gacan ka geystay dowladda Qatar oo si aad ah Xukunka Farmaajo u taageerto
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa iyada oo la ilaalinayo golaha deris wanaagga ku dhawaaqeysa in dib u soo celisay xiriirkii diblomaansiyadeed ee ay lala heyd Jamhuuriyadda Kenya” .
Al-cadaala ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Madaxweeynayaasha labada Dal waxa ay Amiirka dalka Qatar uga abaal hayaan ugana mahad celinayaan dadaalka uu ka geystay arintaan . ”