U bood dhigaalka

Diyaaradaha Kenya oo Si Toos ah Uga Dagaya Hargeysa

Xilli dowladda federaalka kenya ay joojisay dhamaan duulimaadyadii ka imaanaye ama ku socde Soomaaliya , ayaa la sheegaya in ay ogolaatay in ay safar ku imaadaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Diyaaradahaan oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation ayaa la sheegay in ay alaabo keenni doonaan magaalada Hargeysa , iyagoo ku hakanaya dalka Jabuti .

MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, ayaa la qorsheyay in ay laba maalin ay tagaan Hargeysa, iyadoo ay dhici karto in la kordhiyo maalmaha ay aadayaan Somaliland .

Arrimahaan ayaa ku soo aaday xilli la soo celiyay xiriirka labada dal, balse aanu aheyn sidii la rabay, kadib markii Soomaaliya ay diiday qaadkii uga imaanayay Kenya, iyadoo Nairobi ay jawaab uga dhigtay in ay joojiso dulimaad yadii Muqdisho kaga imaanayay .