U bood dhigaalka

Doorashooyinka Ethiopia Oo Markii Labaad dib U Dhacay

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in markale ay dib u dhacday doorashada baarlamaanka dalkaas.

Doorashada oo la filayay in ay dhacdo 5-ta bisha June ee sanadkan ayeey sheegen in guddiga sababa la xiriira tirada dadka iska diiwaan geliyay goobaha codbixinta oo aad u yar, xilli dib u dhacaan uu noqonayo midkii labaad kadib markii doorashada Baarlamaanka Itoobaya oo la filayay in ay ay qabsoonto 20-ka August sanadkii hore xukuumadda ay dib u dhigtay sababa la xiriira xanuunka Corona Virus.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Xisbigiisa ayaa markale wajahayo culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanaya xisbiyada mucaaradka dalkaas.

Birtukan Mideksa, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka itoobiya (NEBE), ayaa sheegtay  in dib udhaca kuyimid furitaanka goobaha codbixinta iyo diiwaan galinta cod bixiyaasha oo yar ay dib ugu dhigeen maalinta doorashada bilaabmeyso .

“Waxaan u sheegi doonnaa qof walba inuu ogaado sida ugu dhakhsaha badan muddada dib u dhaca si loo dhammaystiro howlaha dib-u-dhaca ku yimid , Ma noqon doono wax ka badan 3 toddobaad,” ayeey tiri Birtukan Mideksa, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya .

Sikastaba sanadkii hore ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen in doorashooyinka dalka Itoobiya dib loo dhigay taas oo ka dhalatay dagaallo qaatay Lix bilood oo u dhaxeeyay ciidamada ka amar qaata xukuumadda mudda kororsiga sameysatay iyo qomiyadda Tigreega ee dagta waqooyiga dalkaas.

GoobJoog News