Akhriso: Siduu u Dhacay Xukunka Kiiskii Guddoomiye Dhaga-juun
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal loo heystay in ay ka dambeeyen dilka Allaah u naxariistee guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin ciise dhega-juun, oo bilawgii sanadkan ku baxay gacanta ciidamada booliiska Soomaaliyeed.
Baaritaanka guddiga dhacdadaan ay xukuumadda u magacawday iyo Dhagesiga gal dacwadeedka eedeysanayaasha oo mudda socday ayeey maxkamadda ku riday xukun isugu jira bixinta magta guddoomiyaha iyo xabsi ciidan .
Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sidda ayaa horay u sheegay in dilka Allaah u naxariistee Dhaga-juun uu yahay mid ku dhacay si kas ah , balse markii ay soo gabagabodw dhageysiga gar maqalka eedda eedeysanayaasha iyo qareenada difaayay ayeey maxkamadda ciidamada qalabka sida sheegtay in ay go’aan ka soo saareyso xukunka eedeysanayaasha oo ka koobna 6 Askari oo uu ku jiro Taliyihii saldhigga degmada Hawl-wadaag.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay xukunka raggii lagu eedeyay in ay ka dambeeyen dilkii bilawgii sanadkaan .
Gaashaanle Shuceyb Cabdi Taliyihii saldhigga degmada Hawl-wadaag ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah, halka dable boliis Bashiir Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay isna 5 sano oo xabsi ciidan ah, iyadoo sabab looga dhiga taxadar la’aan iyo baxsashadiisa, halka min laba sano oo xabsi ciidan ah lagu xukumay Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibrahim Yusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmiye Kaariye Cali.
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa sidoo kale dhamaan eedeysanayaasha ku xukuntay bixinta Magta guddoomiyaha dhintay Cabdixakiin Ciise Cabdiraxmaan Dhaga-juun