Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay War ay Faafisay Kenya
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warar ay baahiyeen wargeysyada dalka Kenya kuwaas oo lagu shegay in ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in si isku mid ah u qeyb sadaan dakhliga ka soo xarooda dhul badeedka welli muranka uu ka taagan yahay .
Warbixin uu daabacay waregyska The Star oo ka soo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Labada dowlad ay heshiis ku gaareen in 50% ay ka kala qaataan daqliga ka soo baxa dhul badeedka Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya .
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in wararla ay qorayaan Wargeysyada Kenya ay yihiin kuwa dowladaasi shacabkeeda ku maawelineyso .
“Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka .