Shirkii Doorashada Oo Dib Ugu Dhacay Todobaadka Soo Socda
Sheeko:Arrimaha Amniga
Shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday in uu maanta oo khamiis ah ka furmo Muqdisho, ayaa u dhacay sabtida kadib markii aanay wada imaanin madaxda maamul gobaleedyada .
Illa iyo hadda madaxda soo gaartay caasimadda waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, halka saacadaha soo socda la filayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu soo gaaro magaalada Muqdisho.
Dhanka kale waxaan la ogeyn imaanshiyaha madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle, oo khalalaaso ay ka dhaceen deeganadiisa , taas oo dad badan ay ku nafwaayeen.
GoobJoog News