Deni Oo Muqdisho Soo Gaaray
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda.
Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka.