Akhriso : 7 Qodob Oo Noqon Doona Ajendaha Shirka Doorashada
Sida ay xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday waxaa maanta furmaya shirka doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka .
Shirkan ayaa looga hadlaya Ajendayaal dhowr ah oo gundhig u ah heshiiskii 17 September Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka iyo hogaamiyayaasha dowlad gobaleedyada dalka .
Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay kulama isusoo dhawaansho ah kuwaas oo u dhaxeeyay xukuumadda iyo madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka .
Hadaba GoobJoog News waxa ay kula wadaageysa 7 Qodob oo noqon doonta Ajendayaasha looga hadlyo shirka maanta furmaya :-
1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka
2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo
3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland
4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay
5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada
6: Amniga Doorashada
7: Dejinta Jadwalka doorashada
7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan .