Shirka Afisyooni Oo Maalintiisi Labaad Galay
Waxaa maalintiisi labaad furmaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo shalay magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka .
Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo .
Ajendayaasha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:
1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka
2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo
3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland
4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay
5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada
6: Amniga Doorashada
7: Dejinta Jadwalka doorashada
7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan.
Shirka ayaana sii socon doono inta ay madaxda isku raacayaan xalinta Khilaafaadka weli doorashooyinka ku hor gudban .
GoobJoog News