Mareykanka Oo Xayiraado Ku Soo Rogaya Ethiopia
Sheeko:Arrimaha Amniga
Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado ku aaddan xadidda Fiisooyinka ku soo rogaya Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray iyo dhibaatoobinka welli gobalkaasi laga soo warinayo .
Kumanaan dad ah ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen lixda bilood oo gobalka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigre xukuumadda Abiy ay kula dagaalameysay kooxda TPLF .
Kooaxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo wariyay in ay jiraan goob fallo isugu jira kufsi, dilal aan sharci aheyn iyo raritaanka qasabka ah oo ciidamada Federaalka ay halkaasi ka geysteen .
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony J. Blinken ayaa sheegay in mareykanku uu dhowr jeed ku cel celiyay cabsida iyo walaaca laga qabo xadgudubyada ka socda Tigre .
“Waxaan si isdaba joog ah uga dhawaqnay welwelka weyn ee aan ka qabno xadgudubyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya. Laga bilaabo maanta, waxaan qaadeynaa talaabooyin aan ku soo rogeyno xayiraad fiiso kuwa aan aaminsanahay inay mas’uul ka yihiin sii wadista isku dhaca.” ayuu yiri Antony J. Blinken Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka .
Intii ay socdeen dagaaladii Xukuumadda iyo TPLF waxa dhacay duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh, sida ay Amnesty International carabka ku dhufatay .
Goobjoog News