Shirka Doorashooyinka Oo Maalinti Afaraad Muqdisho Ka Socda iyo Rajo Laga Muujiyay
Waxaa maalintiisi Afaarad galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka .
Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo .
Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd .
Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay dhankeeda shirka Afisyooni, iyadoo la sheegay in qodobo ay ka mid yihiin cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland la isku afgartay .
Saamileyda siyaasadeed ee dalka ayaa dhankooda sheegay in ay filayaan in shirka ay ka soo baxaan wax dhamaan heshiis lagu yahay .
Goobjoog News