Majaajileystaha Caanka ah Ee Sooraan Oo Geeriyooday
Sheeko:Arrimaha Amniga
Allaah u naxariisto Waxaa magaalada Burco goordhaw ku geeriyooday Jilaagii caanka ahaa ee ruwaayadaha Abwaan Sooraan Ismaciil Sugulle, oo muddooyinkii dambe xanuunka covid-19 la jiifay mid ka mid ah isbitaalada Burco.
Sooraan ayaa ka mid ahaa jilayaasha aadka looga yaqaanay geyiga soomaalida, kuwaas oo inta badan soo gudbiya Ruwaayadaha madadaalada .
Abwaanka ayaa mudda dheer ku dhex jiray sameynta iyo jilidda ruwaayadaha , waxa uuna maanta u geeriyooday xanuunka Corona Virus .
GoobJoog