In Kabadan 40-kun Arday Oo Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare U Fariisatay Saaka, Akhriso Deeganada Ay Ku Kala Sugan Yihiin
Waxaa maanta guud ahaan gobalada dalka ka bilaabmaya imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ee, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka .
Imtixaanka oo ka kala dhacaya deeganada gobalada Soomaaliya ayaa waxaa ardayda galeysa u badan ardayda gobalka banaadir .
26,688 arday ayeey sheegtay wasaaradda waxbarashada in gobalka banaadir ay maanta uga fariisteen imtixaanka shaahadiga ee dugsiga sare .
Deeganada maamulka hirshabeelle ayaa sidoo kale waxaa Imtixaanka ay dowladda qaadeyso uga fariistay arday gaareysa 1,672 arday .
dhanka kale deeganada maamulka galmudug ayaa la sheegay in Imtixaanka maanta ay kaga fariisteen 2,407 arday .
Deeganada maamulkan Jubbaland ayaa dhankooda waxaa u fariisanaya saaka imtixaanka 1,221 arday oo ku kala sugan deeganada maamulka Jubbaland .
Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa sakaa goobaha Imtixaanka lagu galayo fariistay 4,341 arday oo ku sugan deeeganadaas.
Dhinaca kale maamulka Puntland oo todobaadkii hore qaaday ayaa waxaa u fariistay 5,708 arday ah kuwaas oo dhawaan soo gaba gabeeyay Imtixaanka .
Imtixaankan ayaa noqonaya midkii 7 aad oo ay si toos ah wasaaradda waxbarasahda hidaha iyo tacliinta sare dalka ay u maamusho .
Goobjoog News