Itoobiya: Banaanbax Mareykanka Looga Soo Horjeedo Oo Ka Socda Caasimadda iyo Magaalooyin Kale
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa magaalooyinka Dhagaxbuur iyo iyo Addis Ababa ka socda bananbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo mareykanka iyo rer galbeedka.
Banaanbaxyadan oo ay dhigayaan dadweynaha ku nool deegana hoostaga DDS iyo magaalada caasimadda ahAddis Ababa la rumeysan yahay in ay gadaal ka riixeyso xukuumadda Abiy Ahmed.
Mareykanka ayaa dhawaan Itoobiya ku soo rogay xayiraado dhanka socdaalka ah kadib markii lagu eedeyay in ay dowladda weli sii waddo gabood falada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo geysanayo qowmiyadda Tigreega .
Abiy ayaa dagaal qaatay 6 bilood la galay xoogaga TPLF kuwaas oo ka soo horjeystay mudda kordhin u sameystay .
Goobjoog News