Somaliland: Dadweynaha Oo Goobaha Codbixinta U Dareeray Saaka
In kabadan halmilyan oo qof ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta Somaliland, xilli ay maanta bilaabatay dorashooyinka golaha deegaanka iyo golaha wakiillada.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in dadka ay ka codeynayaan 2,709 goobood oo loo diyaariyay codbixiyayaasha .
Dadweynaha ayaana safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u codeyn lahaayeen, iyadoo guud ahaan maanta ay xiran yihiin isku socodka gaadiidka galaya ama ka baxaya deeganada Somaliland .
552 musharax ayaa u tartamaya doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland halka 246 Musharax ay u taagan yihiin qabashada golaha wakiilada Somaliland .
Doorashada ayaana ka qabsoomi doonta 23 degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland.
doorashadaan ayaa noqoneysa middii todobaad oo ay dadweynaha u codeynayaan musharaxa ay rabaan kadib lix doorasho oo horay uga dhacday dhulka Somaliland .
Somaliland Saddex doorasho oo Madaxweyninimo ayaa ka dhacday kuwaas oo ay dadweynaha codeyen , iyaga oo kala dhacay : April, 2003, June, 2010 iyo Nov 2017.
Hal doorasho oo baarlamaani ah, oo ay dadka codeyeen ayaa horay u dhacday Sep, 2005 .
Halka laba doorasho oo goleyaasha deegaan ka ah Somaliland ay horay uga dhaceen : Dec, 2003 iyo Nov, 2012.
Goobjoog News