Natiijada Horu-dhaca Ah ee Golaha Deegaanka Gabilay Oo La Shaaciyay
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada horu-dhaca ah ee golaha deegaanka Gabilay .
Natiijada guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa golaha deegaanka Gabilay ku horeya
Natiijo hordhac ah: Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ku horeya xisbiga Kulmiye oo 5 kursi ka helay doorashada golaha deegaanka Gabilay .
Hoos ka akhriso natiijada golaha deegaanka gabilay
1⃣UCID 4
2⃣ KULMIYE 5
3⃣ WADDANI 4
Dhanka kale barqanimada maanta ayaa lagu wadaa in guddiga doorashooyinka Somaliland ay shaaciyaan natiijada golaha deegaanka Hargeysa iyo natiijada golaha wakiilada gobalka maroodi jeex.
Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay natiijooyinka doorashooyinka golaha deegaanka iyo golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku soo baxay laba haween ah oo keliya .
Labada haweena ayaa ku soo baxay golaha deegaanka xudun iyo taleex .
Goobjoog News