U bood dhigaalka

Puntland: Shilin Soomaaliga Oo Waddooyinka Lagu Soo Daadiyay .

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ayaa hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada ku soo daadiyay lacagta shilling soomaaliga .

Ganacsatada ku dhaqan garowe ayaanan qaadanin lacagta shillinka soomaaliga ah tan iyo sanadkii hore , iyadoo maamulka Puntland ay tira dhowr jeer oo horay ah ay amren in la qaato lacagta .

Saameyn badan ayaa ka dhalatay diidmada shilin Soomaaliga, maciishada ayaa kor u kacday, dad badan oo danyar ahna nolosha ayaa ku adkaatay.
Laamiyada waaweyn ee Garowe ayaana maanta lagu arkaya lacago waddooyinka si raxan raxan ah ugu bidaya, kuwaas oo ay dadka iska foogeynayaan.
Garowe ayaa hadda waxaa ka shaqeeysa lacagta la isugu diro moobile-ka xilli welli aan deeganada maamulkaas aan laga isticmaalin lacag ka yar Halka dooral ee mareykanka .
Goobjoog News