U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dhalinyarada Eretria Loo Qaaday, Waa La iibsaday

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dhalinyaro maamulka Farmaajo u qaaday Eretria isaga oo sheegay in la iibsaday.

Madaxweynaha oo ka hadlayey kulan dhalinyarada ugu qabteen ayaa waxaa uu intaas raaciyey in dowladdii qaaday aaney weli qiran waxii dhhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Dhalinyaro adinka oo kale ah, oo hooyo iyo aabe ay soo barbaariyeen, oo ay juhdi badan soo geliyeen, dhalmada hooyanimo iyo midka aabonnimo ka sokow, maaligelin badan lasoo geliyey, oo wax lasoo baray, oo lasoo barbaariyey aya ala yiri, dalkiinna ayaad wax u noqoneysaan, ciidan ayaad noqoneysaan, qaar waxaa la yiri, fursad la’aan iyo shaqo la’aan ayaa idiin heyso, shaqo Ayaan idiin geyneynaa, waa la qaaday, waa la xaabiyey Eritrea ayaa lagu shubay, tababar ayey ku maqan yihiin ciidamadii, siyaasiyiinteennu waa lagu handadaa oo waxaa la leeyahay, ciidanka Eretria ayaa imaanaya, waa la idiin xusuuqaa, ileen waa dhalinyaro la qadlay, oo la iibsaday, wax kale oo aan ku tilmaamo ma aqaano, waa la iibsaday, eretea ayaa la geeyey, war iyo wacaal wax u haayo ma leh, war soo duulay oo waa dhinteen, Aksum ayey ka dagaalameen, Makala lagu laayey, buuraha ayey ka daateen, dowladdii dhalinyarada qaatay, hal maalin inta dadka soo hor istaagaan, dhalinyarada laga hadlayo xaalkoodu waa sidan, ma dhihin, ilaa weli ma aqbalin, Eretria Ayaan dhalinyaro u dirnay.

Goobjoog News