Rooble “Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo Haddii ay Tartamayaan Waa ay ii Simman yihiin”
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2021/06/FB_IMG_1623495886385.jpg)
<span;>Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dalka xilligaan u u jiheystay doorasho loona baahan yahay in cadaalad la helo.
<span;>Rooble oo qaar ka mid ah dadka shacabka kula hadlay xarunta degmada Deeyniile ayaa sheegay in musharixiinta tartameysa ay u siman yihiin .
<span;>”Dalka doorasho ayuu aadaya, doorasho haddii la aadayana xaqiiqdii dadka muqdisho waa hal-bowlihii dalka, iyaga ayaa mas’uuliyadda ugu badan ee dalka ay ku soo dhaceysa maadama aan joogno dhamaanteen magaala madaxdii dalka , waaba waajib inawada saaran in aan doorashada dalkaas aan u wada guntanno oo aan daadihinno ” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble .
<span;>Dhanka kale rooble ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray.
<span;>”Aniga ka ra’iisul wasaare ahaan xaqiiqdii maanta hortiinna ka balan qaadaya si cadaalad iyo hufnaan iyo alle ka cabsi aan u fuliyo doorashadaas, saaxibkee iga horeyay Ex-ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo haddii ay tartamayaan way iisinaanayaan”.
Goobjoog News