U bood dhigaalka

Doorashooyinka Degmooyinka Puntland

Sheeko:Qormooyin

Waxaa 3 degmo oo Puntland kamid ah ka socda diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashada dadwaynuhu codkooda toos u dhiiban doonaan oo si tijaabo ah looga qaban doono Ufeyn ,Eyl iyo Qardho. Marka la eego hadal haynta dadka waxaa iiga muuqata in qaybaha kala duwan ee bulshadu ay u baahi qabaan in ay mar uun iyagu go’aamiyaan cidda matalaysa halka haatan uu xulista qofka matalaaya leeyahay hal qof oo ah dhaqanka.

Deegaanka Dhul-udug oo lagu tilmaamo mid kamid ah deegaanada ugu nabad galyada roon somalia waxaa laga yaabaa xilliyo hore ay dimuqraadiyadu ka hana qaadi kartay ayna talaabadanu timid xilli danbe waxaana laga filayaa in ay xaliso ay ugu muhiimsan yihiin:

  • In ay dadwaynuhu doortaan cidda iyagu ay doonayaan oo ay isleeyihiin waxa ay idinku matali doontaa rabitaankiina marka ay tagaan goobaha go’aan gaarista ee heerka degmo iyo golaha wakiilada uuna Miiska geeyo baahida ugu muhiimsan ee deegaankaasu uga baahan yahay Dowlada in wax lagala qabto.
  • Dhalinyarada waxa ay u furaysaa fursad ay si xor ah tartankaas uga qayb galaan oo ay iyagu ku tartamaan ama ay ku taageeraan murashaxa ay doonayaan si iyaga hadhaw uu ugala shaqeeyo dantooda oo haatan aad moodo in ay ku khasban yihiin in ay u kaashadaan xildhibaan aysan xulistiisa talo ku lahayn isna isu arka mid doonista dad gaar ah meesha ku yimid ulana dhaqma sida ay la tahay.
  • Waxaa abuurmi doona dareen ah in qofku marka uu sharaxan yahay iyo marka uu kursiga joogaba uu ogaado in lama huraan uu yahay shacabka iyo inuu uruursado dhibco uu bari la Gole yimaado.

Hadaba si loo xaqiijiyo himilooyinkaas aan inta yar uun ka tilmaamay waxaa iyana ku haboon in la helo  warbaahin xor ah oo u kala gudbisa wararka iyo xogaha dadwaynaha, murashaxiinta, mucaaradka, muxaafadka iyo cid kasta oo war samayso ah taasi oo haatan aan muuqan inta badan warbaahintiina aad moodo in ay u kala xaglinayaan wararkooda hadba sida ay ugu kala dano dhaw yihiin dhinacyada siyaasadda .

T)sidoo kale waa in kor loo qaado heerka xoriyadda hadalka ee puntland oo ah mid aas-aasi ah oo dastuurka Dawladda Puntland uu siinayo muwaadiniinta ayna ku bandhigi karaan fikirkooda hab kasta oo aan dhibaato amni abuurayn.