Soomaaliya oo Soo celisay Xiriirkii ay u Jartay Kenya, Dibna u Fureysa Safaaradda
Sheeko:Arrimaha Amniga
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2017/05/astaanta-qaranka-Soomaaliya1.jpg)
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay caadi kusoo celineyso xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyey Kenya, kaas oo Muqdisho ay iskeed markii hore u jartay.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Muqdisho ay dib u fureyso safaaradeeda Nairobi, halka ay dhanka kale ka codsatay iney soo celiyaan hawlgalkoodii iyo safaaraddii ugu furneyd Xamar.
Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib markii ay Kenya fasaxday duulimaadyada kai man jiray ama tagi jiray Kenya.
Soomaaliya waxaa ay qabtaa in tallaabooyinka ay horseedi doonaan in soo celinta xiriir dhameystiran dhinacyada kala duwan ah.
Goobjoog News