U bood dhigaalka

Xog: Habraaca iyo Shuruudaha Loo Dejiyey Xulista Ergada, Odeyaasha iyo Bulshada Rayidka ah

Heshiiskii 27-kii May ee Afisyooni ay ku saxiixdeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada waxaa la socday habraacyo ku saabsan sida loo xulayo ergada, odeyaasha dhaqanka iyo xataa xubnaha bulshada rayidka ee doorashada 2021-ka.

Dokomentiga ay aragtay Goobjoog News waxaa kale oo ku jira  diiwaangelinta ergada, badalidooda ama haddii ay cabasho jirto.

Haddaba, Qoraalka oo dheeraa, waxaa soo akhriyey Cabdicaziz Gurbiye,  waxaana uuna kusoo koobay warbixintan.

XULIDA ERGADA DOORASHADA:

Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulitaanka Ergada oo ka kooban oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wadatirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga.

Jufo ama beel kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalayashan (5) oday dhaqameed & labo (2) wakil ka kala socda bulshada rayidka.

Ergada doorashada waa inay matalaan dhamaan jilibyada ay ka kooban tahay jufada kuraasta isla leh.

Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale.

Xubin ka tirsan Guddiga Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama, guddi xulitaan ergo kalena kama tirsanaan karo.

Guddiga Xulitaanka Ergada wuxuuu soo xulayaa ergada doorshadasi wadar-ogolah.

Hadii ay suurtagali waydo in si wadar-ogol ah wax usoo xulaan odayaasha dhaqanka & wakiilada bulshada rayidka, waxaa lagu soo xulaya cod hal dheeri ah(50+1).

Odayaasha Dhaqanka

1. Oday dhaqameedyada waxaa laga soo xulaya odayaashii dhaqanka ee 135 soo xulay baarlamaankii 10aad sanadka 2016 iyo odayaasha dhaqanka jufooyinka islaleh kursiga.

2. Odayaasha dhaqanka waa inay ka diiwaangashanyihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha heer Federaal ama heer Dowlad Goboleed.

3. Odayaasha dhaqanka ee kuraastooda loo qoondeeyaygoobo kala duwan waxay kujiri karaan oo keliya halg uddi xulistaergada.

4. Isimada & nabadoonada kuraasta beelahooda kala yaalaan deegaan doorashooyin kala duwan waxa soo xulaya ergooyinka kuraasta nabadoonada ka diiwaangashan deegaan doorashada kursigu yaalo.

Shuruudaha Laga Rabo Odey Dhaqameedka:

1. Waa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo katirsan jufooyinka kursiga isla leh;

2. Waa inuu yahay qof miyirkiisu dhanyahay, qabankara waajibka laga doonayo;

3. Waa in da’diisu aysan kayarayn 30 sano;

4. Waa in uusan noqon musharrax u taagan labada aqal ee baarlamaanka;

5. Waa inuusan xiriir lalahayn argagaxisada;

6. Waa inuu yahay qof dhexdhexaad ah, sumcad wanaagsan kuleh bulshada dhexdeeda;

7. Waa inuu ka diiwaangashan yahay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heerFederal ama DowladGoboleed;

8. Waa inuusan ka tirsanayn ergada waxdooranaysa;

9. Waa in uu leeyahay fahan wanaagsan ee mas’uuliyadaha doorashada;

10. Waa in aan lagu xukumin dambi shanti sanadood ee lasoo dhaafey.

Wakiiladda Bulshada Rayidka ee Xulista Xildhibaanka ama Ergada xildhibaanka dooranaya:

Wakiilada bulshada rayidka ee guddiga xulista ergada waxay ka kala Imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada (qofkasta oo udhexeeya 18 ilaa35 sano jir), haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda jufada ama jufooyinka isla leh kursiga.

Guddiga xulista ergada kursi kasta waxaa uu yeelanayaa labo xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah

Wakiillada bulshada rayidka ah, waxaa soo xulaya daladaha ururada bulshada rayidka ah eek a diiwaan geshan deegaan doorashada uu kursiga yaallo, waxaana diiwaan gelinaya guddiga doorashada maamul goboleedka oo mas’uul ka ah diiwaan gelinta iyo doorashada kursiga iyada oo la raacyo habraacan, waxaa kormeeraya guddiga doorashooyinka heer federal.

Shuruudaha Bulshada Rayidka ee Doorashada Xulista iyo Ergada Noqonaya:

1. Inuu yahay muwaadin Soomaali ah;

2. Da’diisa/deeda 25jir aan kay arayn;

3. Ka tirsan jufooyinka kursiga wada leh;

4. Aan xiriir lalahayn argagaxisada;

5. n aanay maxkamad kuxukumin xukun ciqaabeed kama dambays ah

6. Shanti sano ugu dambaysay;

7. In Miyirkiisa dhan yahay

8. Ka mid aheyn ergada doorashada

9. Ka tirsaneyn shaqaalaha rayidka dowladda heerarkeeda kala duwan.

Ergadad Doorashada:

1. Tirada ergada doorashada kursi kasta waa 101 xubnood oo laga soo Xulay jufooyinka isla leh kursiga, waxayna dooranayaan murashaxiinta u Tartamaysa kuraasta Golaha Shacabka.

2. Liiska erga kasta waxaa loo soo gudbinaya oo xaqiijinaya Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, waxaana ku kormeeraya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

3. Ergada waxaa ka reeban inay codkooda ku badashaan dano shaqsiyeed ama mid dhaqaale; cidii lagu helana waxaa laga qaadaya  tilaabo sharciga waafaqsan.

4. Fududaynta adeegyada ergadu u baahan yihiin waxaa si wadajir mas’uul uga ah Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka HeerFederaal, Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka & Maamulka Dowlada Xubnahaka ah Federaalka.

Qaabka uu noqon doono Ergada Doorashada:

Marka la hubiyo qofka ergada ah inuu Soomaali yahay, miyirkiisu dhan yahay, da’du aanu ka yareyn 18, aheyn musharax u taagan labada aqal, fahamsan yahay habka cod bixinta, haddana uusan heyn wax xil ah, isla markaana aanu xiriir la laheyn argigixisada.

Waxaa dhaca sidan:

1. Odayaasha dhaqanka iyo wakiilada bulshada rayidka ah waa inay u soo gudbiyaan liiska ergada doorashada xafiiska Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnahakaah Federaalka.

2.Liiska ergada doorashada waa inuu ka koobnaada: a)Magacaqabiilka ama jufada kursiga iska leh; b)Magaca ergada afaran c)Magaca hooyada sedaxan d)Jinsiga (e) Taariikhda Dhalashada f)Magaalada ama tuulada uu daganyahay g)Qaybta wakiilka uu kasocdo(dhalinyarada ama haweenka) h)Macluumaadka lagala xiriiri karo (lambarka taleefanka, cinwaankaiimaylka) i)Tilmaan cadaynaysa in kursiga yahay mid guud ama mid uxiran haweenka.

3. Liiska ergada doorashada waxaa saxiixaya odayaasha dhaqanka iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee u xilsaaran magacaabista ergada doorashada.

4. Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku kormeeraya fulinta qodobkan

Ansixinta Liiska Ergada Doorashada:

1. Liis kasta oo ergo ah waxaa hubinaya Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, wuxuuna xaqiijinya:

(a). In ergo kasta ku jirta liiska ergada doorashada ay katirsan tahay qabiilka ama jufada iska leh kursiga

(B). in liiska ergada doorashada ee kursi kasta ku jiraan ugu yaraan 31 haween ah iyo 20 xubnood oo dhalinyaro ah.

2.  Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GMHDG) wuxuu dib-u-eegis & hubin ku sameynayaa liisaska lasoo gudbiyey ee ergada doorashada.

3. GMHDG wuxuu xaqiijinaya in dhamaan beelaha ama jufooyinka wadaaga kursiga lagala tashaday oo ay ogolyihiin

4. Haddii liiska lasoo gudbiyey ee ergada doorashooyinka uu buuxin waayo shuruudaha habraacan, odayaasha dhaqanka iyo wakiillada bulshada rayidka waa inay dib u waafajiyaan qodobadisa ayagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad GoboleedyadaX ubnaha ka ah Federaalka.

Diiwaangelinta Ergooyinka Kahor Codbixinta:

1. Ergada dooroshada waa inay si shaqsi ah isu diiwaangaliyaan cod-bixiye ahaan iyadoo la raacayo habraacan & jadwalka uu dajiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka HeerFederaal.

2. Oday dhaqameedyada iyo wakiilada bulshada rayidka ah ee magacaabay ergada doorashada waa inay u xaqiijiyaan mid mid xubin kasta ergada ka midka ah, liiskana saxiixaan.

3. Ergay walbana waxaa la siinayaa aqoonsi ergonimo. Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnaha kaa h Federaalka ayaa hubinaya.

Bedellidda Ergooyinka

1. Haddii ergay dhinto ama aysan ka qayb geli karin doorashada, ama rabo inuu iska dhaafo erganimada sabab kasta, odayaasha dhaqanka & wakiillada bulshada rayidka ee soo magacaabay ayaa siwaafaqsan qodobada habraacan magacaabaya qofkii badalilahaa.

2. Qofkii raba inuu ka tanaasulo erganimada waai nuu si shaqsi ah ugu soo gudbiyaa tanaasulkiisa Guddiga Maamulka Dooroshooyinka Dowlad Goboleedyada Xubnahaka ah Federaalka isagoo buuxinaya foomka kalaabadashada erganimada.

3. Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku kormeeraya fulinta qodobkan.

Cabashooyinka:

Jufadii loo diiday inay ka mid noqoto ergada doorashada waxay soo gudbin kartaa cabashadeeda si waafaqsan nidaamka cabashooyinka doorashada

Kooramka Codbixinta:

Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan 71 ergo.

Dhaqangalka Habraacan:

Habraacan wuxuu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Goobjoog News