U bood dhigaalka

Mooge Oo Loo Badinayo In Uu Noqdo Maayarka Hargeysa

Maayarkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in uu musharax Cabdikarin Axmed Mooge uga tanaasulay xilka maayarnimada magaalad Hargeysa .

Saltelco ayaa sheegay in kadib soo jeedin uga timid madaxweynaha Somaliland uu musharaxnimadiisa xilka maayarnimada Caasimadda Hargeysa uga tanaasulay musharax Mooge .

Cabdikarin Axmed Mooge ayaa ka mid ah musharixiintii ku soo baxday doorashada golaha deegaanka Hargeyso ee sanadkan, isgoo markaan u taagan qabashada xilka maayarka hargeysa .

Mooge oo sidoo kale ka tirsan xisbiga mucaaradka ee WADANI ayaa noqday musharixii ugu codka badnaa dooshada golaha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland.

Cabdikariin ayaan helay codod kor u dhaafaya 26,000 oo cod kuwaas oo ay shacabka magaalada hargeysa ugu coodeyen.

17-ka bishaan ayaa lagu wadaa in xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa ay yeeshaan kulankoodii ugu horeyay, iyagoo kulanka sidoo kale ku dooran doona Mayaarka  Hargeysa iyo ku-xigeenkiisa .

Mooge ayaan markaan wajaheynin tartan culus oo ku aaddan xilka maayarka, iyadoo ay inta badan musharixiintii la tartameysay ay isaga hareen tartanka .

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in isaga oo tixgelinaya codka shacabka uu Cabdikariin Mooge kala shaqeyn doono in loo doorto maayarka Hargeysa .

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa waxaa  dhalay fanaankii weynee ee Axmed Mooge Liibaan oo ka mid ahaa fanaaniinta ugu magaca dheer dhulka Soomaalida .

GoobJoog News