U bood dhigaalka

Kenya Oo Dib U Fureysa Safaaradeedii Muqdisho

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeedii ay ku laheyday Muqdisho, iyadoo safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ka codsatay in uu dib ugu soolaabto shaqadooda.

Qoraal ka soo baxay dowladda kenya ayaa lagu sheegay in ““Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay deg deg  ah safaaradda uga furayso Kenya.

Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.”

Hadalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa imaanaya xilli maalma ka hor ay sheegtay dowladda Soomaaliya in ay soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeyay Kenya .

Hoos Ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya .