Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Xerada “Dhega-badan”
Sheeko:Arrimaha Amniga

Qarax khasaare geystay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay xerada Gen. Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo uu geystay qof ismiidaamiyey, ayaan laga heyn faahfaahin badan, balse waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay xerada oo horay ahaan jirtay xerada Nac-naca.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ay halkaas ka dhacday rasaas.
Wixii kusoo kordha kala soco halkan.
Goobjoog News