U bood dhigaalka

Senator Abshir “Madaxweynaha Mudda Xileedkiisu Dhamaaday Isagaa Ilmahaas Gacanta U Geliyay Magafaha Geeska Afrika”

Abshir Axmed Maxamed guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare ayaa sheegay in mas’uuliyadda ciidamadii loo qaaday Eritrea ay dusha ka fuuleyso madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhaamada Maxamed Cabdullahi Farmaao.

Senator Abshir oo ka hadlay kulan muqdisho ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waalidiintooda carruurtooda waysan iyo xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay xildhibaano isaga hor-muud u yahay ay u istaagayaan sdiii dalka dib loogu soo celin lahaa ciidamadaas .

Guddomiye Abshir ayaa yiri : ” Waxaan hadda ku tala jirnaa in aan talaabooyin waawayn aan qaadno oo dhalintaas maqan xildhibaanada baarlamaanka federaalka soomaaliya labadiisa gole anagaa wakiil uga ah oo halkaan joogna, kuwa kalena waan gaarsiineyna iyo inta maqan, laakiin dhamaantood waxeey u taagan yihiin in ilmihii ay matalaayeen sidii loo heli lahaa oo dib dalkooda, dadkoodii iyo waaliidkoodii loogu soo celin lahaa”.

Abshir ayaa sheegay in aan la isku heysan oo shaki aysan ku jirin in carruurtaas ay maqan yihiin .

“Ilmahan in ay maqan yihiin dood kama taagna mas’uuliyadduuna waa mas’uuliyaad hal xaba ah madaxweynihii mudda xileedkiisu dhamaaday ayeey mas’uuliyaddaan oo dhan saaran tahay ” ayuu yiri senator abshir .

 

Senoter-ka ayaa intaas hadalkiisa ku sii daray ” dadka kale ee mar marka qaar la leeyahay taliyaha ciidankaa saan sameyay, habeennimaa dadkaan la qaadaayay oo diyaarado lagu dal dalaayay, marka hortiinna waxaa rabaa anigoo ku hadlayo xildhibaanada halkaan jooga, xog ogaalnimada dowladda ku hadlaya cidda cidda mas’uuliyadda iska leh waa madaxweeynaha mudda xileedkiisu dhamaaday oo keliya , isagaa heshiiska soo gaaray, isagaa seddax mar tagay Eriteria, isagaa deal-ka soo galay isagaa ilmahaas gacanta u geliyay magafaha geeska Afrika “.

Sikastaba hadalka ka soo yeeray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare senator Abshir Axmed Maxmed xilli ay cabasho xoogan ay muujinayaan waalidiinta carruurtooda tababarka loogu qaaday Eretria.

Goobjoog News