Faah-faahinno Ka Soo Baxaya Dab Kacay Xaafadda Black-sea ee Degmada Hodan

Wararka naga soo gaarayo degmada Hodan ayaa sheegaya in uu goordhaweyd uu dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla agagaarka isgoyska Black-sea .
Dabka ayaa sidoo kale waxa uu ku sii fiday dhowr dukaan oo kaalinta ka agdhawaa, illa iyo haddana ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dabka ka dhashay .
Qaar ka mid ah dadka ka agdhawaa goobta uu dabka ka kacay ayaa sheegay in dabka uu ka bilawday kaalin shidaal oo ku taallay isgoyska Black-sea ee degmada hodan balse aan la ogeyn waxa sababay dabkaas.
Wararka ayaa sioo kale sheegaya in ay jiraan khasaaro hantiyadeed oo xooggan wallow aan cid waxba ku noqon dabka .
Sikastaba tira dhowr jeer ah oo horay ah ayaa sidoo kale waxaa dab khasaaro geystay uga kacay kaalmo lagu iibiyo shidaalka oo ku yaallo Black-sea .
Goobjoog News