Mooge Oo Loo Doortay Maayarka Hargeysa
Sheeko:Arrimaha Amniga
Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah musharixiintii ku soo guuleysatay doorashada golaha deegaanka ee gobalka maroodi-jeex ayaa maanta loo doortay maayarka hargeyso.
Mooge ayaa ku soo baxay codad kor u dhaafayo 26,000 oo cod doorashadii dhacday 31 may .
Cabdikariin ayaana cod aqlabiyad leh kugu guuleystay kadib markii ay mudanayaasha golaha deegaanka gobalka maroodi-jeex ay u codeeyen .
Xilka ayuuna kala wareegaya Cabdiraxman Saltelco oo muddo 10 sano ka badan ahaa maayarka hargeysa .
Khadar Axmed Nur ayaa dhankiisa loo doortay mayar ku-xigeenka hargeysa.
Labada mas’uul ayaa ka socda xisbiyada mucaaradka somaliland UCID iyo WADANI.
Goobjoog News