Axmed Madoobe Oo Muqdisho Soo Gaaray
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka .
Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .
Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaalad Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wadatashiga doorashooyinka oo lagu dhameystirayo heshiiskii 27-kii May ay Muqdisho ku gaareen madaxda dowlad gobaleedyada dalka .
Goobjoog News