Dowaldda Canada Oo Australia Ka Qaaadaneysa Qaxooti Ay Soomaali Ku Jiraan
Sheeko:Arrimaha Amniga
Dowladda Canada ayaa sheegtay in ay boqolaal muhaajiriin ah kuwaas oo ay nolol la’aan ku heyso dalka Australia ay siineyso dib u dejin.
Dadkaan oo hadda ku sugan gudaha dalka Australia ayaa waxaa ku jira dad soomaali ah kuwaas oo si dhuumaaleysi ah ku galay dalka Australia .
Canada ayaa dowladda Australia ka codsatay in dadka ku dhibaateysan dalkeeda gaar ahaan magaalooyinka Melbourne iyo Sidney in ay ku soo wareejiso si ay u siiso magan-galyo.
Dadkan ayaa gaaraya in ka badan 240 qof kuwaas oo ay badankood dowladda Australia ay diiday in ay siiso daganaasho kadib markii ay dalkeeda ku soo galeen sifo aan sharci aheyn .
Goobjoog News