Guudlaawe Oo Ka Horyimid Shirka Muqdisho Ka Furmaya
Maamulka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in aysan ka qeyb galeynin shirka wadatashiga doorashooyinka oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Rooble .
War ka soo baxay Hirshabeelle ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hirshabeelle aysan qeyb ka aheyn shirka Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga furmayo .
“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hirsahabeelle
Hirshabeelle ayaana xustay in ay maamulka Guudlaawe aan laga tala gelin qabsoomidda shirka doorashada ee Muqdisho .
Shirkan oo lagu balan sanaa in shalay oo sabti ah ka furmo maagaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay kadib markii madaxda qaar ay kasoo dib dhaceen waqtigii lagu balamay shirka.
Goobjoog News