Shirka Doorashooyinka Oo Maalinti Labaad Galay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa magaalada Muqdisho ka socda maalinti labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka .
Shirkan ayaa looga arinsanayaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii 27-kii May Muqdisho ay ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka .
Shirka ayaa shalay ku soo dhamaaday isfaham sida ay madaxda sheegen, maanta ayaana lagu wadaa in shirka warbixin looga dhageysto guddiga doorashada .
Madaxda dowlad gobaleedyada iyo Rooble ayaa la filaya in warbixinta guddiga kadib ay war-murtiyeed ka soo saaray shirka .
Goobjoog News