Haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya doorashada sanadkan 2021-ka ayaa qiimo dhimis loo sameeyey xagga isdiiwaangelinta iyada oo laga dhaafay kala-u-bar.
Golaha wadatashiga qaran ayaa isku raacay in haweenka laga qaado 50% inta raga laga qaadayo sida in golaha shacabka ay bixiyaan $5,000 halka aqalka sare ay bixin doonaan $10,000.
Guddigii uu Farmaajo ka midka ahaa ayaa sanadkii hore haweenka ku kordhiyey lacagtii laga qaadayey, taas oo hadda u muuqato in laga noqday. Waxaa xusid mudan in 2016-kii ay haweenka aqalka hoose bixiyeen $2500 halka aqalka sare bixiyeen $5000, laakin heshiiskii October sanadkii hore ayaa ka dhigay aqalka hoose $10,000 iyo $20,000 senate-ka ah.




From the comments