Guddoonka Guddiga Doorashada Koonfur galbeed Oo La Doortay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Doorashada guddonka Guddiga maamulaya doorashada koonfur Galbeed soomaaliya ayaa saaka oo isniin ah ka qabsoontay SKI HOTEL oo deegaan ku meel gaadha u ah Guddiga.
Musharixiinta xilka Gudoomiyaha waxa isku Soo sharaxay
1. Yusuf Abdiqadir Mohamed
2. Maxamed Abdilahi Sh Hasan
Natiijada Doorashada: xubnaha soo xaadiray waxay ahaayeen 11 xubnood
– Yuusuf Abdiqadir Maxamed waxa uu helay 10 xubnood, halka Maxamed Sh Abdilahi Xasan uu helay 1 cod.
Mudane Yuusuf Abdiqadir Maxamed ayaa noqday gudoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada koonfur Galbeed soomaaliya