U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deeganno Ka Tirsan Gobalka Mudug

Wararka nagaa soo gaarayo magaalada Bacaadweyne ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda qeybta 21-aad  iyo ciidamada daraawiishta dowlad gobaleedka Galmudug kala wareegen ururka Al-shabaab oo muddo ku sugna magaalada.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada ay degmada Bacaadweyne kala wareegen Al-shabaab.

Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in tuulooyinka Qaycad iyo Sabeeno Gawrac, ciidamada ay ka saareen Al-shabaab, kuwaas oo dhamaan ka tirsan gobalka Mudug.

Saraakiisha hogaamineysay howl galka ayaa sheegay in uu jiro dagaal ciidamada dowladda iyo al-shabaab ku dhex maray bacaadweyn inta aysan kala wareegin ka hor.

Goobjoog  News